Amiirkii Dalka Kuwait oo Geeriyooday

Amiirkii Dalka Kuwait Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka isagoo 91-jir ah.

“Waa murugo iyo tiiraanyo weyn, waxaan la murugooneynaa geerida Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah – amiirka dowladda Kuwait” ayuu yiri Sheikh Ali Jarrah al-Sabah

 

16-kii bishii June  Sanadkii 1929 ayuu dhashay, January 2006 ayaa loo caleema saaray inuu boqortooyada ka badalo Sheikh Jaber al-Sabah oo markaas geeriyooday

 

Ka hor inta uusan noqon Boqorka Kuwait wuxuu muddo 40-sano ah wadanka ka ahaa wasiir arrimo dibadeed, sidoo kalana sanadkii 2003 wuxuu noqday Ra’iisul wasaaraha Kuwait.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com