In ka badan boqol kun ruux oo codadkooda ka dhiibtay doorashada Norwey.

Oslo, Dalka Norwey waxaa 10-ka bishan ka bilaabatay in dadweynaha codadkooda doorashada sii dhiiban karaan.

Sida lagu xaqiijiyay wargeyska klartale.no in ka badan boqol kun oo ruux ayaa codadkooda ku dhiibtay muda sedex cisho ah.

Doorashada oo ah mid dadweynaha Norwey ugu cadeyn doonaan xisbiga talada dalka Hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Soomaalida ku nool Norwey ayaa sanadkaan la rajeynayaa in si buuxda uga qeyb qaadan doonaan in codkooda dhiibtaan.

13-September ayaa ah maalinta ugu dambeysa ee codbixinta kolkaas oo lagu dhawaaqi doona xisbiga guuleysta.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com