Wasiirka Cadaalada Norwey:Waa in sharci lasiiyaa dadka wadanka ku nool muda dheer.

Oslo,Wasiirka Cadaalada Norwey Monica Mælend ayaa shaacisay in ay socoto qorshe lagu joojinayo Tarxiirka dadka aan sharciyada laheyn muda dheer.

Wasiirada ayaa fariimo u dirtay Hay,addaha qaabilsan qaxootiga kaasi oo ay ku codsaneyso in tarxiirka la joojiyo ilaa amar dambe.

Monica Mælenda ayaa tilmaamtay in ay socoto qorshe la doonayo in ogolaansha rasmi ah la siiyo dadka wadanka ku sugnaa muda dheer.

Wasiirada ayaa xustay in hadii dadkaas sharciya helaan sameyn karaan dhaq dhaqaaqyo.

Xisbiga FRP ayaa durba ka horyimid qorshaha ay wado dowlada.

FRP ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin qorshaha ay wado dowlada.

Qorshahaan ayaa iminka ah mid dowlada u gudbisay baarlamaanka kaasi oo lagu wado in laga doodo maalmaha soo socda.

https://www.regjeringen.no/contentassets/904421c1ff204033a3752476d1bb71cc/horingsnotat—engangslosning-for-utlendinger-med-lang-oppholdstid-i-norge.pdf

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com