Hir-Shabeelle oo u digtey Dadka Garsoorka u doonta Al-Shabaab

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu soo saarey digniin ku socota dadka ku nool Gobolkaas ee mararka qaar Garsoorka u doonta Maxkamadaha Al-Shabaab ,iyaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.G

Guddoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Gobolka Hiiraan Cimaan Dhicisow Dhuuboow ayaa sheegay in Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo si wanagsan u Shaqeeya,isla markaana dadka looga baahan yahay inay u gudbiyaan wixii dacwo ah ay qabaan.

Waxaa uu si cad u sheegay inay jiraan dad Garsoor u doonta Al-Shabaab,waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin dad Xukuman oo aan wax xukumi karin waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la aqbali karin dad Garsoor u doonanaya Maxkamada Al-Shabaab,isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Intabadan deeganada ee Al-shabaab ka taliyaan ee Hiirshabelle shacabka ku nool iyo madaxda qaar ayaa u xukun tago maxkamadaha al shabaab .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com