Wasiir Goodax iyo Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Xarun 30 Sano Kadib La Hirgeliyay

Wasiirka wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadid ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray xarunta waxbarashada gobolka Banaadir oo muda 30-sano kadib dib loo hirgaliyay kaas oo qeyb ka noqon doono xoojinta adeegyada wabarashada waxaana daahfurka xafiiskan goob joog ka ahaa hogaanada daladaha waxbarasho ee dalk.

Xaruntan cusub ayaa laga hirgaliyay degmada Xamar Weyne iyadoo ay ka kooban yihiin dhowr qeybood oo bixin doono adeegyada waxbarashada ee gobolka Banaadir si loo helo waxabarsho tayaleh oo bilaash ah iyo in laga baxo baahiyaha waxbarasho ee taagan.

Masuuliyiintan ayaa kormeeray xafiisyada ay xaruntan ka kooban tahay waxeyna  kula dardaarmeen madaxda xaruntani in ay dardargaliyaan horumarinta waxabarashada Caasimadda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com