Xisbiga KRF:Waa farxad in sharci helaan dadka muda dheer wadanka joogay.

Oslo,Xisbiga KRF ayaa durba soo dhaweeyay qorshe Xukuumada Erna Solberg u soo gudbisay Baarlamaanka ee ah in sharci helaan dadka mudada dheer sharci la,aanta ahaa.

Gudoomiyaha Xisbiga Kjell Ingolf Ropstad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahaas yahay in Xisbigooda ku faraxsan yihiin isla markaana u arkayaan in waqtigeeda la joogo.

KJell ayaa xusay in wax Wanaagsan tahay in dib loo qiimeeyo dadka mudada 16-18 Wadanka jooga oo aan hadane sharci iyo xuquuq ku helin.

Dowlada ayaa haatan Baarlamaanka u gudbisay codsigaas kaasi oo dhawaan laga doodi doona.

Wasiirada cadaalada ayaa ku baaqday in la hakiyo tarxiirka dadka aan sharciyada laheyn ilaa ay ka soo baxeyso Go,aanka Baarlamaanka.

Xsbiga FRP ayaa durba dagaal sii iclaamiyay iyaga oo xusay in si adag go,aankaas uga hor imaan doonaan.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com