Faah Faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Dab ka kacay Kaalin Shidaal ee ku Taala Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka laga helayo Caasimada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goob ganacsi oo halkaas ku taalla uu saaka qabsaday dab xooggan kaas oo ku sii fidaya goobo ganacsi oo ku yaala Halkaas.

 

Dabka ayaa ka kacay Kaalin Shidaalka oo ku taaalla Dhuusamareeb Islamarkaana dabku markiiba ku fiday xarumo kale oo  ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka taas oo keenta in uu kordho khasaaraha ka dhashay dabkaas.

 

Madaxda Maamulka  Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Magalada aysan lahayn dab-demis I Taasi aya sababtay in dabku meelo horleh ku sii faafo inkastoo uu jiray gurmad xooggan oo shacabka iyo maamulka degmadu ay ku deminayaan dabkaas

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com