Garoowe – Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ali Isse Nahar, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loo qabanayo shaqaalaha Xafiiska Warfaafinta, kaas oo lagu xoojinayo tayada shaqada, xirfadaha isgaarsiinta iyo hababka casriga ah ee gudbinta wararka iyo xogaha rasmiga ah.
Ali Isse Nahar ayaa sheegay in horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaaluhu ay tahay tiir muhiim u ah tayeynta adeegyada warfaafinta iyo kor u qaadidda waxqabadka xafiiska. Waxa uu ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka, si ay ugu dabaqaan aqoonta ay helaan shaqadooda maalinlaha ah.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha warbaahinta, diyaarinta wararka iyo qoraallada rasmiga ah, xiriirka warbaahinta, iyo adeegsiga aaladaha casriga ah ee isgaarsiinta.
Furitaanka tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Ali Isse Nahar ku hormarinayo tayada shaqaalaha iyo xoojinta awoodda Xafiiska Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.




















