Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya AMISOM.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa markale ka hadlay arrimaha ay isku hayaan Midowga Afrika, islamarkaana ay ku diidan yihiin qorshaha la xiriira hawl-galka AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan waxba ka ogeyn ayna aqbali doonin qorshaha uu ansixiyey Midowga Afrika ee dhigaya inay si wada-jir ah hawl-galka u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

“Si adag ayaa uga hor imaanay (qorshaha Midowga Afrika), waxaana u sheegnay qorshe kale oo ka duwan oo la yiraahdo qorshaha Soomaalida kumeel gaarka ah ee AMISOM looga gudbayo Soomaali,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Ujeedo mideysan ayaa leenahay oo ah in amnigeena aan gacanteena ku qabano, inta ka horeysa wixii caawimo ah sida aan anaga u rabno aan u helno ee aysan noo siin sida ay dadka kale u rabaan.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo Midowga Afrika, tan iyo markii ay shaacisay qorshaha cusub ee sii fogeynaya in AMISOM ka baxdo dalka.

“Waxaa muhiim ah in Soomaaliya iyada ay darawal ka noqoto kursiga laga wado baska oo sidaa loola shaqeeyo oo aysan aheyn qorshe nalaga kor keenay aan qaadano oo iska dabo socono.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qorshaha Midowga Afrika aysan u diidaneyn xukuumad ahaan ee uu yahay mid ay uga hortagayaan in dowlad kasta oo Soomaaliyeed loo keeno qorshayaal dad kale kasoo shaqeeyen oo dan ugu jirin Soomaalida.

Mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero ka helay shirkii Golaha Ammaanka QM uu ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, xili ay dalka uga ceyrisay arrintaan ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com