Qoorqoor oo Farmaajo u boobaya Kusiga HOP-067 oo laga leeyahay Ceeldheer.

Xogo hoose oo aan ka helnay Saraakiil iyo howlwadeenno, ka kala tirsan NISA, Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada Galmudug iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda beesha ku suntay kusiga HOP-067, ayaa muujinaya in dhinacyo kala duwan isla meel dhigeen in eedeysane Yaasiin Farey loo yeelo xasaanad ka weyn midda magacaabidda ku eg.

Fahad iyo Farmaajo oo doonaya in dhamaan eedeysanayaasha u adeegayay ay ku daraan baarlamaanka 11-aad ee JFS, si ay kaga gambadaan gacmaha sharciga, ayaa Qoorqoor u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin xubno uu ka mid yahay Yaasiin Farey oo ka mid ah shaqsiyaadka ku eedeysan khaarijinta Ikraan Tahliil.

Sarkaal sare oo ka trsan ciidanka loo yaqaan Duufaan, oo aan magaciisa qarinay, sabab amni awgeed, ayaa KON, ugu warramay, in heshiisyo hoose oo ay hore u galeen RW Rooble iyo Farmaajo, uu qodob ka mid ah dhigayay in aan dacwada Maxakamadda taalla aysan saameyn ku yeelan qorshaha Xildhibaannada looga dhigayo xubnaha uu ugu horreeyo Fahad Yaasiin, ee Farey iyo Kullane ku xigaan.

Holwadeenno ka tirsan Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Rooble, uusan wax dhibaato ah ku qabin in eedeysanayasha Kiiska Ikraan, Madaxtooyadu u boobto kuraas baarlamaan, waana sababta uu Yaasiin Farey qeyb uga ahaa waftigii Ra’iisul Wasaaraha ee dhawaan tagay Dhuusamareeb.

Sarkaal ka tirsan, Madaxtooyada Galmudug, wuxuu dhankiisa caddeeyay in Qoorqoor iyo Fahad Yaasiin, qorsheeyeen in Dhuusamareeb saacadaha soo socda loo daabulo, cutubyo ka tirsan Ciidanka Duufaan oo intooda badan ku beel ah Farmaajo, si ay Yaasiin Farey ugu noqdaan ergo.

101 qof, (Ergo), ayaa u codeyn doonta kursi kasta oo Golaha shacabka ah, ergadaas waa in ay ka tirsan yihiin beesha kursiga leh, hayeeshee, Qoorqoor, Fahad, Farmaajo, Rooble iyo Farey, waxay ku heshiiyeen in ciidamo ka soo jeeda Gobolka Gedo, laga dhigo ergadii kursiga lahayd.

Ciidanka Qoorqoor, ayaa malinta doorashada is hor istaagi doona, ergada rasmiga ah, waxay gudaha hoolka doorashada galin doonaan Duufaan oo dhar shacab loo xiray, si ay qaab gacan taag ugu codeeyaan Farey.

Duufaan waa ciidan gaar ah, oo aan marin (Hannaanka Ciidan Qorista Qaran), waxaa ugu sareeyay Yaasiin Farey oo hadda ku magacaaban Agaasimaha KMG ah ee NISA, waxaana figradda sameynta ciidankaan lahaa Fahad Yaasiin, halka uu Kullane Jiis inta badan askarta ka soo daabulay Gedo iyo Caabdudwaaq, waxa ay Farmaajo ugu jiraan kaalintii Hangashtii Siyaad Barre.

Kusiga HOP-067, Cabdullahi Cali Axmed (CADDOW CALI GEES), ayaa matalayay Baarlamaankii 10-aad, waxaana leh, beesha Waceysle Abgaal, Hawiye, sida xoguhu tilmaamayaan, Caddow, sanadkaan kuma jiro musharixiinta kursiga, waxaana baratamayaasha ka mid ah Cornel Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Tuuryare, oo soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugada iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa si weyn kaga soo horjeeday, hannaanka ay siyaasadda dalka u qasayeen Kooxda Farmaajo, waxuuna bishii April ee sanadkaan ka badbaaday isku day khaarijin.

Qoorqoor ayaa shalay soo gudbiyay shanta kursi ee loogu hor dooranayo kuraasta Golaha shacabka, waxaana la filayaa in Cabdishakuur Cali Mire, Mahad Cabadalla Cawad iyo Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) u soo saaro Farmaajo.

Sidoo kale, Cabdullaahi Kullane (Jiis), ayaa qudhiisa la filayaa in Qoorqoor, soo siiyo kursi baarlamaan, halka Fahad Yaasiin ka soo bixi doono Hirshabeelle.

Qoorqoor, wuxuu darka ka dheereeyay Xildhibaan Abtidoon, oo ay ehel yihiin, wuxuu hadda hor taagan yahay, Sanatar Abshir Bukhaari, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale oo qaraabo dhow la ah, halka uu Farmaajo u boobayo Kusiga HOP-067, oo laga laga leeyahay Ceeldheer.

Yaasiin Farey iyo xubnaha la midka ah ee Faad Yaasiin ugu horreeyo, ayaan xaq u yeelan doonin in ay u baratamaan kuraas baarlamaan maadaamada shuruudaha mushariixta uu ka mid ah qodob qeexaya in aysan wax dacwo maxakamadeed ah ku furneyn.

Midowga Musharixiinta iyo Ururrada bulshada rayidka, ayaa la filayaa in ay ka hor imaan doonaan doorashada kursigaan iyo guud ahaan haddii eedeysanayaashu soo galaan doorashooyinka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com