Al-Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogtay 10 Ruux

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay markale Goob fagaare ah ku toogteen muddo todobaad ah gudihiis 10 Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowlado shisheeye, toogashadaas ayaa kala kala dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe & degaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay.
Toogashada koowaad oo ka dhacday fagaare ku yaal degmada Jilib ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan, waxaana ragga la toogtay Afar kamid ah lagu eedeeyay inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka halka kan Shanaad lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Ingiriiska.

Shanta Ruux oo ay Al-Shabaab ku toogteen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay.
Sacad Muuse Xaaji Daahir, Cabdow Mad Abow, Cabdulle Cumar Maxamuud & Cabduqaadir Caddaan Xassan oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka & Cabdiraxmaan Axmed Maxamed oo lagu eedeeyay in uu la shaqaynayay hayadda sirdoonka MI6 ee dowladda Ingiriiska.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaal degaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Shan Ruux oo kale, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab sidaan oo kale ay goob fagaaro ah oo ku taal degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen 6 Ruux oo kala ahaa 5 rag ah iyo haweeneey, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com