Al-Shabaab oo iska fogeeyay inay dileen Ikraan Tahliil

Al-Shabaab ayaa goordhow shaaciyay in aysan wax lug ah ku laheyn, isla markaana ka dambeyn dil la sheegay in loo geystay Ikraan Tahliil oo kamid aheyd Saraakiisha. Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.
War xalay kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab afduubteen kadibna dileen Ikraan Tahliil, balse warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in layaab uu ku noqday warkaas.

” Kama dammbeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay” sidaas waxaa yiri mas’uul u hadlay amniyaadka Al-Shabaab ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Al-Shabaab.
Hooyada Ikraan Tahliil oo lagu Magacaabo Qaali ayaa markii uu soo baxay wararka sheegaya inay Al-Shabaab dileen Gabadheeda ayaa waxaa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku maqan tahay Gacanta Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.