Maxaa ka jira in Midowga Mushiriinta iyo Madaxweyne Farmaajo kulan ay wada yeelanayaan?

Faah Faahino ayaa kasoo baxaya Kulan ay Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay ku yeesheen hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga arrinsanayeen doorashada dalka iyo Jawaabtii ka dhalatay war-saxaafadeedkii ay soo saareen laba maalin ka hor.

Shirkan waxaa markii dambe kusoo biiray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Wuxuuna ka dalbaday iney Musharaxiinta Aqbalaan Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu la kulmo Midowga Musharixiinta .

Musharaxiinta xalay la kulmay Madaxweyne Qoorqoor ayaa aqbalay dalabka uga yimid dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya, dhawaan waxaa la filayaa in Musharaxiinta iyo Madaxwayne Farmaajo kulan ay yeeshaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com