Alshabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ka geysatay koofurta Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaal xooggan oo qaraxyo ku bilowday ay Alshabaab saakay ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Dagaalka oo dhaxmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ‘ ayaa dagaalkaasi uu yimid ka dib weerar ay ku qaadeen shabaab Fariisimo Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka iyo Galmudug ay kaga sugan yihiin Degaankaasi Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Waxaa hawadda ka maqan isgaarsiinta deegaanka iyadoo ay gudaha u galleen Degaankaasi Al-shabaab sida laga soo xigtay dad goo joogayaal ah oo ku sugan deegaano ka Tirsan Goboolka Mudug.
Alshabaab ayaa baraha Interneka ku baahiyay in ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta deegaanka Bacaadweyn, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Mudug.
Ilaa haddana lama oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com