Goobihii ganacsiga ee Magaalada Garoowe oo la xiray

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Garoowe Irdaha la isugu laabay iyadoo dad isku ay isku diyaarinaayaan diabad bax loogasoo horjeedo sicir bararka dollarka iyo Raashiinka .

Sarifka dollarka ayaa gaaray meeshii ugu sareeyay , waxaana halkii dollar lagu sarifanayaa ku dhawaad konton kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Waxaa intaas dheer in xarumaha ganacsiga qaarkood ay Dadkii lahaa diideen in ay wax ku iibsadaan lacagaha shilinka Soomaaliga oo aad u qiimo beelay.
Ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ee ku aadan cabashada ka soo yeereysa ganacsatada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com