Kenya oo ka Jawaabtay Tallaabadii Dawlada Soomaaliya ay ku masaafurisay Safiirkeedii u joogay Muqdisho

Xukuumadda Nairobi ayaa ka hadashay go’aankii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya MR.Lucas Tumbo oo lagu amray in uu dalkiisa dib ugu laabto.
xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Macharia Kamau Kenya ayaa sheegay in Kenya siweyn uga xun tahay tallaabada Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya, isaga oo sheegay in Kenya dib u eegis ku sameyn doonto arintan si xal looga gaaro.
Macharia ayaa yiri” waxaan qaadi doonaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo wanaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal”
Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa sii xumaanaya xiriirka diblumaasiyadeed labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, Waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya in fara-galin ay ku heyso arrimaha gudaha ah gaar ahaan deegaannada Jubbaland oo Kenya ay ka joogaan ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com