Dawlada Federaalka Soomaaliya oo u yeeratay Safiirkii u Fadhiyay Dalka Kenya

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aankaan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u Aragtay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso Arimaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland ayuu sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah ayuu yiri Xoghayaha .
xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa Tilmaamay in dawladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin fal walba oo Qarannimada iyo Amniga Soomaaliya dhaawacaya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com