Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweyne Deni

Wafdigaan ka socda Beesha Caalamka ayaa magaalada Garoowe kulan kula kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdiga Beesha Caalamka ayaa ka koobnaa Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibrahim.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Beesha Caalamka uu madaxweyne Deni kala hadlay dhameystirka geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan magacaabida guddiga doorashooyinka heer gobol iyo doorashada Aqalka sare.

Kulanka Madaxweyna Puntland la qaatay wafdigan waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid.
Puntland iyo Jubbaland ayaan weli magacaabin guddiga doorashooyinka ee heer Heer Federaalka kuwaas oo doorashada ku matalaya
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com