Al-Shabaab oo lawareegtay degaano hoostago gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe Al-Shabaab ayaa kuwaramayo in gelinkii dambe ee shalay dhul ballaaran oo hoostaga degmooyinka Raage-ceelle iyo Jowhar ay la wareegeen dagaalamayaasha  Al-shabaab-

Al-Shabaab ayaa la wareegtay tuulooyin ay ka mid yihiin Warciise oo 15-20km u jirta Jowhar, iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Jabada carbeed, Geyfo iyo Daba-gaab oo hoostaga degmada Raagaceelle.

Dadka degaanka ayaa Aragticusub u sheegay in ay  Al -shabaab qiyaastii 10km ay  u jiraan degmada Raagaceelle, halka ay tuulooyin hoostaga Jowhar ay la wareegeen sida wararku sheegayaan.

Shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa cabsi iyo walaac badan ka dareemaya dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Al-shabaab iyo goobaha cusub ee ay qabsadeen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Al-Shabaab ayaa sidan oo kale la wareegtay degaanka Mashallaay oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada DF iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com