Denmark: Tirada magangalyo doonka oo gaartay heerkii ugu hoseyay abid.

Sanadkii la soo dhaafay dalka Denmark tirada 1,547 magangalyo doon ah ayaa gaartay heerki ugu hooseeyay.

Lagasoo bilaabo  1998,  tirada dadka soo galootiga ah ee dalka Denmar madhicin abid in ay gaarto .

Wasaaradda Socdaalka iyo Is-dhexgalka ayaa sheegtey in hoos udhacan uu saameyn kuleeyahay   ‘coronavirus’ oo saameeyay dunida oo dhan  ayuu yiri wasiirka arrimaha debedda iyo isdhexgalka Mattias Tesfaye (S).

“Sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan u mahadcelin karno siyaasadeena adag ee arimaha dibada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay isla wasaaradiisa.

Tiradan magangalyo doonka ah ee sanadkii hore waxay ka yartahay 10 laab  tiradii sanadkii 2015, markaas oo la diiwaan galiyay 21,316 oo magangalyo doon ah.

Waxay ahayd sanad aan caadi aheyn oo Yurubiyaanku ay  arkeen kororka qulqulka muhaajiriinta oo ay burbureen xuduudihii dibada ee Midowga Yurub ee Talyaaniga iyo Griiga.

Marka la barbardhigo 2019, waxaa la diiwaan geliyay 2,716 magangalyo doon, tirakoobka sanadka 2020 ayaa qiyaastii boqolkiiba 43 ka hooseeya kii sannadkii ka horeeyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com