Al-Shabaab oo sheegtay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirka iyo Magaca Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Ciidamada Ururka Al-Shabaab.
Sarkaalkan oo Magaciisa lagu sheegay Korneyl Mustaf Xasan Axmed aya ka howlgelli jiray degaano ka tirsan gobolka Bakool, waxaana lagu soo dhaweeyay degaanka Garasweyne ee isla Gobolkaas.

Warar ay ku daabaceen Al-Shabaab Baraha ay ku leeyihiin internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Sarkaalka sababta uu isugu soo dhiibay ay tahay in uu ka carooday dhibaato ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ku hayaan Shacabka Koonfur Galbeed.
Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan dhowr jeer waxaa ay u soo bandhigen Saraakiil labada dhinac ah oo uu midba midka kale uu sheegayo in uu dhinaciisa isku soo dhiibay.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com