Meydka Gabar Soomaaliyeed oo laga helay Magalada Mombasa

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jiray Najma Cabdullaahi Macalin ayaa waxaa la la’aa muddo Afar Cisho ah, waxaana meydkeeda laga helay wadada weyn ee Dongo Kundu Bypass, ee magaalada Mombasa.

Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in xilli ay kujireen Howlgal Roondo ah ay heleen Gabadha oo miir daboolan, hayeeshee ay geeyeen isbitaal .

Sidoo kale booliska waxaa ay sheegeen in Gabadha Madaxa Najma wauu uga yaalay nabarro jirdil ah , halka ilkaha qeybtooda sare ay ka maqnaayeen, isla markaana meydkeeda uu yaallo Isbitaalka Port Reitz, ee magaalada Changamwe.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Kenya ee ka howlgalla Magalada Mombasa ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen laba Ruux oo ay ku tuhmayaan dilka Gabadha, iyaga oo baaritaano ku wada.

Dilka Gabadha Soomaaliyeed ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay Soomaalida ku nool Magaalada Mombasa, iyaga oo sheegay in ay doonayaan inay Cadaalad hesho

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com