Alshabaab oo la wareegay degaano ka Tirsan Puntland

Al-shabaab ayaa saaka la wareegtay degaanka Milxo, oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, islamarkaana u dhexeeya Durduri iyo Laasqoray.
shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaadday degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka sida ay xaqiijinayaan ilo’ dhanka Amniga ah.
Wararku waxay intaas ku darayan, in ay shabaab qabteen Guddoomiyihii Tuulada Milxo Maxamed Jaamac Aar Bulbul iyo shakhsiyaad kale, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin.
Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an, waxaana adag in warar sugan laga helo khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadday tuuladaas Milxo.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaa Maamulka Puntland ee la Xiriira Degaanada ay la wareegeen shabaab

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com