Alshabaab oo Weerar ka geystay degaanka Deynuunaay ee gobolka Baay

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ee xariinta gobolka Baay  ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerareen degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30 klm u jira Magaalad baydhabo.

Al-shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday Daynuunaay ayaa sida wararku sheegayaan gacanta ku dhigay saldhig ciidan oo halkaas ku yaallay.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli faahfaahin laga helin weerarka .

Degaanka Deeynuunaay ayaa waxaa fariisin ku leh Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Ciidanka Amisom

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com