Alshabaab oo weerar ku qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan Amisom

Al-Shabeeb ayaa sheegatay mas’uliyadda labao qarax oo shalay lala beegsaday kolonyo Gaadiid ah oo  ka tirsan Ciidamada Burundi ee ka tirsan Amisom oo marayeen wadada u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab, waxa ay sheegteen in ay weeraradaas ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidamada Burundi, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab, waxa ay sheegteen in ay weeraradaas ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidamada Burundi, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Amisom xaqiiisay in qaraxyo lala eegtay Gaadiid kolonyo oo marayay inta u dhexeya Jowhar iyo Mahdaay ee gobolka shabeelaha Dhexed, waxaana ay ku eedeeyeen Alshabaab in sidoo kale ay gooyeen waddooyinka Sh/Dhaxe, kadib markii biyo ku fureen.

“Al-Shabaab waxay si bareer ah biyo ugu fureen tuulooyinka u dhexeeya Balcad iyo Jowhar kadib markii ay jabiyeen kaydadkii biyaha ee degaanka Xawaadleey oo la dhisay 1970-meeyadii, si ay uga badbaadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan”. Ayuu yiri Sar kaal sare oo ka tirsan Ciidanka Amisom.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarda ay ku qaadayaan Ciidanka Amisom iyo kuwa Dawlada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com