Alshabab Qaraxyo ku weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM

Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa qaraxyo waaweyn laga maqlay Saldhiga Ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Baraawe oo ah Xarunta Rasmiga  ah ee  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday Saldhiga Weyn ee Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Baraawe,isla markaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas,waxaana Baraha Wararkooda ay ku faafiyaan lagu sheegay in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen Xerada,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka Uganda oo ka tirsan AMISOM.

Dadka degmada Baraawe qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa qaraxyada,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay,waxaana degan xaalada Magaalada maadaama Saldhiga uu ku yaalla banaanka degmada Baraawe.

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin weerarada ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Saldhiga weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmadaas.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com