Amar la duldhigay Ragga iyo Dumarka aan Isqabin ee dega Hoteelada ku yaala Muqdisho

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa amarar dul dhigay Milkiilayasha hoteellada magaalada Muqdisho, xilli uu daahfurayay waax cusub oo lagu kordhiyey xarunta dembi baarista booliska Soomaliya ee CID-da.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed  ayaa sheegay in waxyaabo badan oo aan lagu aqoon dhaqanka Soomaaliyeed ay hadda dalka ku soo kordheen, isagoo laamaha amniga dowladda faray in ahmiyad weyn la siiyo la dagaalanka Macsida.

“Waxaa lagama maarmaan ah in qorshe loo dejiyo habka hoteellada loo dego, hadddii aad  dooneyso inaad Hotel degto, kaliya waxaa lagaaga baahanyahay inaad lacag bixiso, ceeb ka weyna ma jirto in dembiyada aan ka hadleyno ay hoteellada ka dhacaan, banaanka in dembi ka dhaco layaab malahan oo weligeed ayaa la arki jiray, laakiin Hotel Xamar ku yaalla oo aan garaneyno in la dhaho dembi noocaas ah ayaa ka dhacay, ceeb ka weyni ma jirto”.

“Labo qof oo Rag iyo Dumar ah oo aan la xaqiijin inay is qabaan Hotel ma wada degi karaan. Hotelkii aan weydiin shahaadada Nikaaxa waxuu ka qeyb-qaadanayaa baahinta xumaanta iyo dhiira gelinta dunuubta.” Ayuu yiri Gudoomiye Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com