Shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka oo muqdisho lagu qabtay

Shirkaan  oo ay  ka qeyb galeen  Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Xubno ka Tirsan Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya,ayaa looga hadlayo arrimaha Doorashada dalka ee sanadka 2020/2021Shirka  ayaa lagu qabtay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

shirka ayaa si gaar ah diirada lagu saaray arrimaha amniga doorashooyinka iyo sidii Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Inkastoo aanan weli la magacaabin Gudiga doorashooyinka Dalka ayaa Hadana dhawaan waxaa la filayaa in Dalka ay ka dhacdo doorsho Taas oo qayb ka ah Heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho ee u dheexeeyay Dawlada Federaalka ,Dawlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com