Trump oo dib ugu laabtay Aqalka Cad ka dib markii uu Isbitaalka uu ka soo baxay

Madaxweynaha Maraykanka Donal  Trump ayaa dib ugulaabtay  Aqalka Cad, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland.

Madaxweynaha ayaa halkaas lagaga daweynayey xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca twitterka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay viruska ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 ku qof oo Maraykan ah. Waxa intaas dheeraa in uu Aqalka Cad galay isaga oo aan xirneyn waji daboolkii.

Ka dib markii dayuuraddii wadday ee Marine One ay ku soo degtay Aqalka Cad, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna iska bixiyey daboolkii wajiga, isaga oo halkaas shaaca ka sheegay “Xaalad wanaagsan baan dareemayaa.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com