Askar ka soo goosatay Maamulka Jubland oo ku biiray Ciidanka Dawlada Federalka ee gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Askarta ka tirsan maamulka Jubland oo uu Hogaamiyo Wasiirka Amniga Jubland Cabdirashiid Janan ay u soo goosteen Ciidanka Dawlada Federaalka eek u sugan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Ciidanka oo ka Mid ahaa ciidamada daacadaha u ah Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay in ay isa soo dhiibaan waxaana tiradooda ay gaareysaa ilaaiyo 8 Askari

Ciidanka ayaa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Dawlada Federaalka ay ku aruurineyso gobolka Gedo Tababarna la siin doono

Shalay ayay ahayd markii Cabdirashiid Janan oo ah Wasiirka Amniga Jubland uu ku hanjabay in uu mar kale weeraryo degmada Balad Xaawo shacabkana ugu baaqay in halkaasi ay isaga baxan hantidoodana kala baxaan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com