Axmed Madoobe oo Khudbad Xaasasi ah ka Jeediyay Golaha Aqalka Sare Eedeeyna U Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta Khudbad Xasaasi ah ka jeediyey Kulanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay inuu dawladda Soomaaliya kala kulmay dagaal dhinacyo badan taabanaya,

“Dhufays ayaan ku jiray, oo waxaan lahaa cida laguu soo diro iyo Dawladda iska celi, Maanta 1-sanno oo dagaal iyo dhufays aan ku jiray waxaan imid Muqdisho.

Gudoomiyaha Aqalka sare wuu iigu yimid Kismaayo, Balse waxaan usoo diray madaxwayne Farmaajo, Wuxuuna igu soo war celiyey inaanu haynin wax jawaab ah, oo Qoortayda Lugtii lagu xidhi lahaa ayaa la waayey”. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in doorashadii Jubbaland ay dowladda iyo beesha Caalamka ka codsadeen inay korjoogayaal soo dirsadaan, maadaama ay xaq u leeyihiin in Jubbaland doorashada qabsato oo Dastuurkeeda dhigayo, balse madax adeeg iyo dhego adeeg kaga yimid dowladda Federaalka ay gaartay illaa xad dagaal meelo badan saameyn ku yeeshay oo siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in aanu matnaba aanan diidin Dowladda Federaalka, balse dooddiisa aheyd waxa dastuurka iyaga siinayo ay qaataan iyo waxa dowladdu siinayo Dastuurka ay qaadato.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay xaalada Jubbaland iyo Sababta uu Weli Xukuumad usoo magacaabi waayey Muddo Sanad ah.

Madaxda Maamulada Jubland iyo Puntland ayaa Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ka Wada magaalada Muqdisho oo ay kula kulmayaan Madaxda dawlada Soomaaliya ,Beesha Caalamka iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com