Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in la Isku Tanaasulo

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa maanta Khudbad ka jeediyey Kulanka Aqalka sare, oo Marti uu ku ahaa Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Cabdi Xaashi ayaa ku dheeraaday xaalada dalka, wuxuuna soo jeediyey in la isku tanaasulo, oo la midoobo oo Talada iyo Fikradaha la kala qaato, oo wax la isku Quuro, oo Run la isku sheego, iyadoo sharciga lagu dhaqmayo.

Wuxuuna Cabdi Xaashi tilmaamay inay arintaasi tahay Furaha Heshiiska iyo Nabadda .

Wuxuu soo jeediyey in loo yeero dadka kale ee Siyaasadda Saamaynta ku leh, wuxuuna Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ku bogaadiyey inay yimaadeen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu Gudoomiye Cabdi Xaashi ka hadlay Heshiis Taariikho hore oo dalku soo maray iyo Heshiisyo lagu gaaray dalka Itoobiya Xiligii Jabhaduhu ay dalka ka dilaaceen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com