Gudigii loo xilsaaray Baaritaanka weerarkii xabsiga Dhexe oo gaba gabeeyay baaritaanka

Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay argagaxisada gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto

Dhacdada ayaa loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso ee ka dhacay gudaha xabsiga.

Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale.

Gudiga ayaa sheegay in baaritaanka weerarkii xabsiga dhexe ay dhameeyeen kuna wareejiyeen xeer ilaalinta guuda ee dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com