Dalka Sacuudiga oo la wareegay Hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya

Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu wareejiyay hoggaanka taliska ciidamada isku-dhafka ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka burcad-badeeda.

Hawlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay dowlada Faransiiska waxana ayna  sameeyaan dabagal, kormeer iyo howlgalo  lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsi iyo kuwa hay,adaha samo falka maraya xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa ka Tirsan 15 maraakiib sida  lagu sheegay  xogta iyo Istiraatiijida howlgalkaan  CTF oo muddo 12-ka sano ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadan ilaalada xeebaha Soomaaliya  ayaa waxa Taliskooda la bedelaa lixdii biloodba mar iyadoo ciidamadan  ugu badan ay joogaan gacanka Cadmeed  iyagoo ka hortagga weeraro lagu qaado maraakiibta caalamiga ah.

Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka gedaal markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta oo ay gaysanayeen burcad badeed Soomaaliyeed.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda Sacuudiga ayaa sheegtay in taliskooda uu rajeynayo in uu ku guuleysto mudada uu xilkaan hayo.

Wargeyska Al Khaleej Today oo daboolka ka qaadey in ciidanka Sacuudiya Carabiya ya xilka ka waregeen  Dawlada Sacuudiga

Badda  Soomaaliya oo ay ka buuxaan heyraad badan oo dadkii lahaa ay ka baahan yihiin isla markaana shisheeye uu ka macaashayo ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah badaha caalamka ee dambiyada ugu badan ay ka dhacaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com