Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo muddo kordhin u sameeyay  Lafta-gareen

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxay muddo kordhin u sameeyen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Cabdi (Lafta-gareen), ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Cali Saciid Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana soo xaadirtay 87 Xildhibaan.

Gudoomiyaha ayaa kulanka ka sheegay in tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, ay soo gudbiyeen mooshin muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha, iyadoo markaasi lagu jaangoynayo in isku waqti la qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo midda Baarlamaanka.

Xafiiska Madaxtooyada ayaa hal sano iyo laba bilood ka horeeya xilliga la soo dhisay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo uu macnaheedu yahay in Madaxweynuhu uu xafiiska sii jooggi doono afarta sano ee soo socota.

Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa la soo xulay 19-kii bishii hore ee March, iyadoo uu muddo xileedkoodu yahay afar sano. Baarlamaankii midkan ka horeeyay ayuu waqtigiisu ku ekaa daba-yaaqadii sanadkii hore.

Mooshinka mudada loogu kordhinayay Madaxweynaha oo gacantaag ay ku codeeyeen Xildhibaanada ayaa waxaa haa ugu codeysay 87 xubnood, iyadoo aynaan jirin cid ka aamustay amaba diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaana ka qaybgelin kulankii maanta, sababo ku aadan, isagoo weli xaalad karantiil ah ku jira.

Tallaabada mudada loogu kordhiyay Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ahayd mid horeyba loo sii fillaayay, haddii Xildhibaanada ay u badan yihiin kuwo ay soo xushay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Muddo kordhinta loo sameeyay Lafta-gareen waxay liddi ku tahay go’aankii sanadkii 2018, ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ku sheegtay in Doorashooyinka Maamul Goboleedyada ay tahay inay waqtigooda ku qabsoomaan, iyadoo wax muddo kordhin ahna aysan jirin.

HOOS KADAAWO SAWIRADA