Baarlamaanka Puntland oo la horgeynayo Mowshin ka dhan ah Xubno ka Tirsan Gudoonka Baarlamaanka puntland

Waxaa dib u bilowday , mooshin abaabulan oo laga keenay labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Puntland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen  Illo wareedyo lagu kalsoon yahay .

Mooshinkan, oo la soo  bilobay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa markiisi hore fara-gelin xooggan kala kulmay madaxda Puntland, taas oo fashilisay in bilowgii la hor-geeyo Golaha Wakiilada.

Balse, mooshinka ayaa dib u soo laabtay tan iyo xalay, waxaana saxiixay xildhibaanno badan oo doonayay in ay hor-geeyaan Fadhiga berrito ee  Baarlamanka Puntland, si xilka looga xayuubiyo labada Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa haatan laga cabsi qabaa in ay xilkooda waayaan, haddii uu sidaas ku sii socdo mooshinka laga keenay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com