Prof Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka badbaaday Qaraxa miino oo lala eegtay Gaari uu la socday

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa,xalay fiidkii.

Gaari uu la socday Sanitor . Dufle oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Dabka, waxaana qaraxa ku dhaawacmay labo ka tirsan Ilaaladiisa.

“Alle mahadiisa waa ka badbaaday waa bad qabaa, balse nasiib darro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ahaa ciidankii ila socday oo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaa alle uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg siiyo”ayuu yiri Prof. Dufle.

Qaraxyada miino ee la dhigo waddooyinka ayaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, waxaana dhowr cisho ka hor qarax lala eegtay gaari uu la socday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Faarax.Xafiiska

Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com