Baasaboorka Somalia oo la sheegay in Fiiso La’aan lagu tegi karo in ka badan 30-Waddan

Hay’adda Qiimaysa Tayada iyo Heerarka Baasabooradda Caalamka ee Henley & Partners waxay soo bandhigtay Baasabooradda ugu xoogga badan Caalamka iyo tirade dalalka  Fiiso la’aanta lagu tegi karo ee sannadkan 2020-ka.

Qiimaynta waxaa lagu soo bandhigay inay Kaalimaha 1-aad ilaa 10-aad kala galeen dalalka soo socda:

1-     Dalka Japan oo Fiiso la’aan lagu tegi karo 180-Waddan

2-     Dalka Singapore oo Fiiso la’aan lagu tegi karo 190 Waddan

3-     Dalalka Jarmalka iyo  Koonfurta Kuurya oo Fiiso la’aan lagu tegi karo min 189-waddan

Kaalinta 4-aad  waxaa wada galay Baasaboorada Talyaaniga iyo Finland oo Fiiso la’aan lagu tegi karo min 188 waddan

Kaalimaha 5-aad waxaa si wadajir ah u galay Baasabooradda dalalka Spain, Denmark iyo Luksenberg, waxaana lagu tegi karaa min 187 Waddan

Kaalimaha 6-aad waxaa wada galay Baasaboorada Sweden iyo Faransiiska, laguna tegi karo min 186 Waddan.

Kaalimaha 7-aad waxaa wada galay dalalka Switzerland, Portugal, Netherlands, Ireland iyo Austria oo lagu tegi karo min 185 Waddan

Kaalimaha 8-aad waxaa ku wada jira Baasaboorada dalalka Maraykanka, Britain, Norway, Giriig iyo Belgium, waxaana lagu tegi karaa min 184 Waddan

Kaalimaha 9-aad waxaa wada galay Baasaboorada dalalka New Zealand, Malta, Czech Republic, Canada iyo Australia, iyadoo lagu tegi karaa min 183 Waddan

Kaalimaha 10-aad waxaa wada galay Baasaboorada dalalka Slovakia, Lithuania, Hungary

Dhinaca kale, Hay’adda Henley & Partners waxay Qiimeyntooda Baasaboorada Caalamka ee sanadkan 2020-ka, waxay ku muujisay in Baasaboorka Somalia uu Kaalinta 104-aad galay, isla markaana Fiiso la’aan lagu tegi karo 32-Waddan.

Baasaboorka dalka Jabuuti waxa uu galay Kaalinta 95-aad, waxaana Fiiso la’aan lagu tegi karaa 46 Waddan.

Baasaboorka dalka Turkiga waxa u ugalay Kaalinta 55-aad, iyadoo Fiiso La’aan lagu tegi karo 111 Waddan

Baasaboorka dalka Qatar waxaa uu galay kaalinta 58-aad, waxaana Fiiso la’aan lagu tegi karaa 93 Waddan

Baasaboorka dalka Malaysia waxa uu galay Kaalinta 13-aad, waxaana Fiiso la’aan lagu tegi karaa 178 Waddan

Baasaboorka dalka Imaaraadka waxa uu galay Kaalinta 18-aad, waxaana Fiiso La’aan lagu tegi karaa 171 Waddan

Baasaboorka Sacuudiga waxa uu galay Kaalinta 66-aad, waxaana Fiiso la’aan lagu tegi karaa 77 Waddan

Baasaboorka Yeman waxa uu galay Kaalinta 102-aad, waxaana Fiiso la’aan lagu tegi karaa 37 Waddan

Baasaboorka Reer Falastiin waxa uu galay Kaalinta 101-aad, waxaana Fiiso La’aan lagu tegi karaa 38 Waddan

Baasaboorka dalka Masar waxa uu galay Kaalinta 93-aad waxaana Fiiso La’aan lagu tegi karaa 49-Waddan

Baasaboorka dalka Sudan kaalinta 100-aad, waxaana Fiiso la’aan lagu tegi karaa 39 waddan.

Si kastaba ha ahaatee, Qiimeynta Hay’adda Henley & Partners ee Baasaboorada Caalamka ee sanadkan 2020-ka waxaa laga dareemi karaa Baasabooro Tayo xooggan, kuwo Heerkii ay taagnaayen sare uga kacay, kuwo uu hoos u dhacay, waxaana xusid mudan inuu Baasaboorka Somalia sare u kacay, isla markaana ay kordheen dalalka lagu tegi karo Fiiso La’aanta.