Bam gacmeedyo lagu weeraray Xaruunta Wasaarada Maaliyada Soomaaliland ee Magaalada Boorama

Wararka ka imaanaya Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ee  Soomaaliland ayaa sheegaya in Xalay halkaasi laga maqlay qaraxyo is xigay kuwaas oo lala beegsaday xarun  ku taala Halkaasi

Weerar Bambaanooyin ah ayaa la sheegay in Xalay lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay ku leedahay gudaha Degmada Boorame sida laga soo xigtay Dadka Degaankaas.

Ilo wareeyo ayaa Xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay mid kamid ah Ilaalada Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland islamarkaana burbur xooggan uu gaarsiiyay qayba kamid ah dhismaha Wasaaradda.

Sidoo kale baabuur taallay gudaha Wasaaradda ayaa sida la sheegayo waxyeello ka soo gaartay bambaanooyinka lagu tuuray Xarunta Wasaaradda kuwaas oo aan weli la aqoonsan cidda ka dambaysay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com