Banaan bax ka dhacay Magaalada Garoowe

Banaanbax xooggan, oo looga soo horjeedo sicir-bararka iyo diidmada Lacagta Shilinga Soomaaliga ah, ayaa maanta ayaa mnt ka dhacay magaalada Garoowe .

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa , oo dalbanaya in Maamulka puntland wax ka qabato sicir-bararka iyo diidmada Shiling Soomaaliga, waxana Dadka ay socod ku soo mareen  laamiga dheer iyo waddooyinka Garoowe.

Sidoo kale, waxa xirmay dhammaan Goobaha Ganacsiga iyo Suuqyada kala duwan ee Garoowe, kadib markii Ganacsatadu diideen socod-siinta iyo Qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah.

Dadka Ganacsatada ah ayaa sheegay in in maamulka Puntland uusan ogolayn in ay Canshuurta ku qaadaan lacagta  Shiling Soomaali, sidaas darteedna Lacagta Soomaaligu ka socon la’dahay dhinaca Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com