Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo gaaray Magaalada Garoowe

 Wafdi uu Horkacayo  Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Aqalka iyo wafdiga uu Hogaaminaayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe waxaana wafdiga Gudoomiyaha Aqalka sare qayb ka ah Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geele iyo siyaasiyiin.

Wafdigaan  waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin ka Tirsan maamulka puntland

Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wafdiga la socda ayaa  magaalada Garowe waxey ka qeyb gali doonaan shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishaan ka dhici doona magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xasilinta dalka amni ahaan, dhameystirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya), waxaana ka qeyb galaya sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka iyo xubno kale.

Ammaanka magaalada Garowe aad ayaa loo adkeeyay, waxaana la filayaa inuu qabsoomo shirka ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, saamileyda siyaasadda Soomaalida iyo xubno kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com