Kooxo Hubeysan oo Wiil Dhalinyaro ah ku dilay Degmada Wadajir

Wararka ka imaanaya Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan Bastoolado ay xaafada ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa

Wiilka ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdi Ganaeey Waxaana la sheegay in laba nin oo wadata Bastoolad ay wiilkaasi dileen

Labada Nin ayaa la sheegay in ay ahayeen Burcad Dadka ka dhacda Moobeelada ,Hase ahaatee ka hor inta aysan dilin wiilka ayaa la sheegay in ay weydiiyeen Mobil uu heystay in uu iska dhiibo balse uu isku adkeeyay taasi  oo keentay in xabado  ay ku dhuftaan wiilka ka dibna hallkaasi uu ku geeriyooday

Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay dhaca Mobeelada oo mararka qaar Dadka diida in ay dhiibaan kala kulma kooxaha burcada ah dil iyo dhaawac

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com