Dhageyso: Digniin loo diray Ciidanka Dawlada Federaalka ee dhibaatada u geysta Dadka shacabka ah

Taliyaha Ciidamada  dhulka ee Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya Soomaliyeed Gen l Maxamed Tahliil Biixi ayaa ugu baaqay Ciidamada dowladda inaysan dhibaato u geysan dadka Shacabka ah oo ay u adeegayaan.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab uu culeys iyo dhibaatooyin ku hayaan dadka Soomaliyeed, hadii Ciidamada dadka Shacabka ah dhibaateeyaane ay lamid noqonayaan Al-SDhabaab.

Taliyaha ayaa Ciidanka  Dowladda Federaalka  Soomaliya uga digay inay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmaan Shacabka, waxaana uu sheegay in askarigii dhibateeya qof Shacab ah ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Warkaan ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dawlada Federaalka ayaa imaanaya Xilli Xuduuda Degmada Balad Xaawo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federalka oo isugu jira Ciidanka Haramcadka ee booliska ka Tirsan iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya