Midowga Musharixiinta iyo Madaxda Dawlad goboleedyada oo maanta shir uu uga Furmayo Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Xaruunta Maamulka Puntland ayaa maanta lagu wadaa in shir uu uga Furmo Xubnaha Midowga Musharrixiinta iyo Madaxda Dawlad goboleedyada.

Wafdi uu Hogaaminaayo Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Garoowe Halkaas oo ay uga qayb galayaan Shirka uga Furmaya Garoowe Madaxda Dawld goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo kulan dhawaan ku dhexmaray Madaxweynayasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Saciid Cabdulaahi Deni ay isku raaceen in doorashada Dalka ka dhaceysa ay noqoto mid loo wada dhan yahay Taasi oo keentay in midowga Musharixiinta Dalka ay Taageeraan go,aankaasi

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u muuqda Mid Taageersan Hadafka Midowga Musharixiinta iyo Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland waxaana Arintaan ay noqoneysaa mid saameyn ku ueelata Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com