Dhageyso: Wasiir Beyle oo beeniyay War ka soo yeeray Ra,iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya ayaa beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray Ra,iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Xassan Cali Kheyre oo sheegay in dowladaha qaar ay lacagihii taageerada ahaa ka joojiyeen dowladdaFederaalka Soomaaliya  sababo la xiriira khilaafka  doorashada.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu sheegay in dowlado badan tirsan Yurub iyo Afrika ay dowladda Federaalka Soomaliya ay soo garsiiyeen lacago kaalmo ah oo ay ugu talgaleen doorashada.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale sheegay marka la gaaro sanadka cusub ee 2021 ay jiran dowlado Soomaliya u balan qaaday lacag, isla markaana warraka la baahiyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali kheyre ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen Muqdisho midowga Musharixiinta sheegay in Dawlada Federaalka Soomaaliya laga joojiyay lacagihii doorashada sababo la xiriira khilaafka doorashada.