Booliska Gobolka Bari oo Hawlgal ku soo qabtay shaqsiyaad lagu Eedeeyay Dil iyo Kufsi in ay geysteen + Sawiro

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin, ku eedaysan dilka gabar dhowaan maydkeeda laga helay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Howlgal qorshaysan oo Booliiska Gobolka Bari ka fuliyeen xaafad ku taalla dhanka Bari ee Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay labada nin, oo ku eedaysan dilka Alle ha u naxariistee Niciimo Cabdi Maxamed, oo dhowan maydkeeda laga helay Boosaaso.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay labada eedaysane ay si cad u qirteen dilka marxuumad Niciimo Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in baaritaanka ay ka qayb-qaateen laamaha kala duwan ee baarista u qaabilsan Puntland.

Taliyaha ayaa sidoo tilmaamay in maxkamad la horgayn doono labada nin ee ku eedaysan dilka marxuumadda, islamarkaana sharciga la marin doono, maadaama ay qiraal ku yihiin danbiga loo haysto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com