Gudoomiyaha Golaha Hormarinta Danaha Mudulood iyo ku xigeenadiisa oo la doortay+Sawiro :Daawo

Shir ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Hormarinta Danaha Mudulooed Islamarkaana ay ka qayb galeen Siyaasiyiin’ Waxgarad iyo Madax kaladuwan ayaa Halkaasi lagu doortay Gudoonka Golaha Hormarinta Danaha Mudulood
Afar Musharax ayaa isu soo sharaxday Gudoomiyaha Golaha Hormarinta danaha Mudulood iyo ku xigeenadiisa Waxaana ku guuleystay Gudoomiyaha Gudoonka Golaha Hormarinta Danaha Mudulood loo doortay Dr . c/qaadir Yalaxow
Doorashada Gudoonka Golaha Hirmarinta Danaha Mudulood ayaa waxaa ka goob joog ka ahaa Gudiga Marjaca Golahaasi oo kala ah Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ‘ Sanitor Muuse Suudi Yalaxoow iyo Dhaqanka .

Dr. Yuusuf Xaaji Maxamed oo ah Xoghayaha Golaha Hormarinta danaha Mudulood ayaa Munaasabada ka Akhriyay Magacyada Xubnaha ku guuleeystay Gudoonka Goalaha Hormarinta Danaha Mudulood iyo ku xigeenadiisa Waxaana uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Hormarinta Danaha Mudulood loo doortay Dr. C/qaadir Yalaxoow ‘ sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka koowaad Golaha Marinta Danaha Mudulood ayaa isna loo doortay Cqaadir macalin Axmed ‘ Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Goalaha Hormarinta Danaha mudulood ayaa loo doortay Ayaan xasan Xaaji iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Goalahaasi ayaa isna loo doortay Maxamed Macalin Nuur .

Gudoomiyaha Golaha Hormarinta Danaha Mudulood ee la doortay Dr . C/qaadir Yalaxow ayaa sheegay in ugu horereyn ay ka shaqeyn doonaan Dhismaha Maamul goboleedka Banaadir State iyo In Musharaxiinta u Tartameysa Xilka Madaxweynaha Dalka ee Mudulood ay dhex dgexaadin doonaan iyo isaga sidoo kale sheegay in ay ka shaqeyn doonaan Xaflada Caleemo saarka Imaam Cusub ee dhawaan la duubay Imaam Daahir Imaam maxamuud Imaam Cumar

Ugu Dambeyntii Xubnihii ka qayb galay shirweynaaha Mudulood ayaa bogaadiyay Doorashada Gudoonka Golaha Hormarinta Mudulood iyo ku xigeenadiisa


Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com