Gudoomiye Mursal oo ka hadlay Suurta galnimada Muddo kororsi ay sameeyaan Xildhibaanada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaaciyey in baarlamaanka federaalka ee xiligan uu waqtiga kororsan doono uu sii shaqeyn doono marka uu waqtigiisu uu dhamaado.
Mursal ayaa sheegay in baarlamaanku uu sii jiro , haddii la heli waayo baarlamaan kale oo badala, midaasi oo ka dhigan in weli uu sii shaqeyn doono baarlamaanka xiligan haddii uu dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashada.
Waxa kale oo uu sheegay in xiliga xil-heynta baarlamaanka federaalka uu ku eg yahay 27-ka bisha soo socota ee December, balse ay taasi ka dhigeyn inay kala dareeri doonaan ilaa inta uu diyaar ka noqonayo baarlamaankii badeli lahaa.

“Ilaa hay’addii bedeli laheyd ka imaaneyso baarlamaankan waa sii shaqeynayaa, iyo ilaa ita qorshaha doorashada ay dhameystiraan dowlad goboleedyada iyo hay’adaha federaalka baarlamaanku wuu shaqeynayaa,” ayuu yiri Mursal.
Waxa uu intaas kusii daray guddoomiyuhu “Majiro baarlamaan iska kala taga, iyadoo aan shaqada lagala wareegin”.
Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta qaarkood ayaa ka digaya muddo kororsi ay sameyso Dawlada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com