Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo Walaac ka muujiyay doorashooyinka Soomaaliya

Xisbiga Wadajir ayaa walaac waxaa ay ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Jadwalka doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale soo dhaweeyay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir syaa waxaa lagu sheegay in ay sigaar ah isha ugu hayeen heshiiskii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ee doorashooyinka Soomaaliya,isla markaana San wax tallaabo ah loo qaadin Arrimaha doorashoouinka kana walaacsan yihiin.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Dhexe ee Xisbiga Wadajir ayaa looga hadlay in ay heshiiskii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ee doorashooyinka Soomaaliya,isla markaana San wax tallaabo ah loo qaadin Arrimaha doorashoouinka kana walaacsan yihiin.
“Xisbiga Wadajir wuxuu walaac ka muujinayaa dib u dhaca jadwalka doorashada. Wuxuu ayidaa mowqifka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan xulista xubnaha labada aqal ee Somaliland ka soo jeeda” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka .

Sidoo kale Xisbiga Waxaa uu shegay in uu ka soo horjeedo in Dowladda Federaalka Soomaaliya isku koobto Magacaabida Guddiga Maamulaya Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, isla markaana saamileyda Siyaasadeed ee kasoo jeeda Soomaaliland loo Madax banaaneeyo inay iyaga soo xushaan Guddiga doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com