Booliska Somalia oo shaaciyay inay qorsho u dejinayaan ciriiriga kajira waddooyinka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in waddooyinka Magaalada Muqdisho uu kajiro ciriiri farabadan, kaas oo ay dhibaatooyin ku qabaan Gaadiidleyda iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Taliyaha oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Ciidanka Nabadgelyada ee Taraafikada ayaa sheegay in Ciidanka Nabadgelyada waddooyinka ay dejinayaan qorshooyin wax looga qabanayo ciriiriga kajira waddooyinka Muqdisho iyo habka ay ku maraan Gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Booliska Soomaaliya ay qorsheynayaan in la qaado Gaadiidka dugoobay ama jajaban oo muddo ka badan 30 sano ah wadooyinka Muqdisho yaalla, isla markaana qorshahaas ay wax ka fulinayaan, wasaarada Gaadiidka, Taliska Ciidanka ilaalada wadooyinka & dowladda Hoose, sidoo kalena ay diyaarinayaan Ciidamadii howlgalkaas fulin lahaa.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kusoo aadaya xilli ciriiri farabadan uu kajiro waddooyinka Muqdisho, isla markaana dadka & Gaadiidka ay saacado badan ku tagaan halka ay u socdaan.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com